Ganacsatadii Suuqa WAAHEEN Oo Walaac Xoogle Ka Qaba Qaabka Cago-Jiidka Ah Ee Hawsha Samo-Falku U Socoto

Tan iyo markii uu Gubtay Bishan horraanteedii suuqa Waaheen ee Faras magaalaha caasimadda Hargeysa, Marka laga yimaad qaadhaan ururinta dib u dhiska suuqa oo si weyn u socota, waxa haddana dhinaca kale ka muuqanaya sida ay Ganacsatadii hantidoodu ku baaba’day iyo dadkii danyarta ahaa ee ka xamaalan jiray suuqaasi walaaca weyn uga qabaan sida aan wali gacan degdeg ahi u soo gaadhin dadkii u badnaa danyarta ee suuqan ka xoogsan jiray.

Dad badan oo suuqan siyaalo kala duwan ugala soo bixi jiray quutal-daruuriga sida Bahdii tafaariiqlayda, Kaaryoonayaasha, Bacadlayaasha darajada hoose, khudradlayda, Hiliblayda iyo guud ahaan intii ka xamaalan jirtay oo ah kuwo nolol maalmeedkoodu si maalinle ah ugu xidhnaa suuqaasi waxa ay u muuqdaan kuwo aan haba yaraatee sugi Karin qorshe muddo dheer raaga waxaanay sida ay dadkani ku doodayaan u baahan yihiin qorshe ku socda xaalad degdeg ah oo u baahan in si dhakhso ah looga jawaabo iyada oo dadka danyarta ah qaarkood warbaahinta u sheegeen in goobaha ku meel-gaadhka ah ee ay fadhiisteen oo ah jidadka, dooxa harerihiisa iyo goobo kale aanay ahayn goobo la isku hallayn karo oo wakhti kasta ay xaalad adag kala kulmi karaan.
Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa uu walaac weyn ka muujiyey sida aan wali waxba loola soo gaadhin dadkii dabaqadda hoose ee aadka u liitay ee suuqa Waaheen ka xoogsan jiray kuwaasi oo u baahnaa gargaar degdeg ah oo ay noloshooda ku badbaadiyaan waxaanu xisbiga WADDANI xukuumadda ugu baaqay in aanay dadkaasi sugi Karin qorshe muddo dheer jiitama oo suuqaasi dib loogu soo dhiso ee ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo la hadlayay qaar ka mid ah wariyayaasha ka hawl gala warbaahinta oo xisbigu casuumad u sameeyey waxa uu yidhi: “Wali waxba looma qaban dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay suuqaasi. Haddii ay tahay meel ay ku shaqeeyaanna wali may helin, haddii ay tahay wax ay ku shaqeeyaanna wali may helin. Dhibkaasi waxa uu innagu dhacay habeen kali ah oo ah Gabbal dhac illaa Cadceed soo bax. Dhibkaa waxa ka sii daran dib u dhiska oo wakhti dheer qaadan doona. Dhismahaasi baaba’ay muddo dheer oo ah illaa maalintii dalka la soo galay ayaa la soo waday. Dhammaanteen aan ka qayb qaadano dhismahaa dib loogu dhisayo suuqaa Hantideennii ku baaba’day”.
Dhinaca kale dadka danyarta ah ee suuqa Waaheen ka baaba’ay qaar ka mid ah oo u badan hooyooyin ayaa walaac weyn waxa ay ka muujiyeen haddii Roobab degdeg ahi soo da’aan dhibaatada uu ku keeni karo maadaama in badan oo danyar ahi wakhtigan alaabo yaryar la fadhiyaan dooxa Hargeysa iyo Hareerihiisa kuwaasi oo aan gabbaad haysan sidoo kalena daadad soo rogman karaa halis ku keeni karaan, waxaanay dalbadeen in si degdeg ah xukuumaddu arrinkooda wax uga qabato maadaama aanay sugu Karin qorshe wakhti dheer qaata oo gurmad ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker