Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Oo Saaka Ku Waaberiistay Gobolka Sool + Iyo Ujeedada Socdaalkooda.

Laas-caanood-(OWN)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Wasiirada Biyaha iyo Waxbarashada Saleebaan Cali Koore iyo Yaasiin Maxamuud Xiir(faratoon), iyo Xubno kale oo Wehelinaya ayaa Xalay Guure kaga baxey Hargeysa iyagoo usii jeeda Laascaanood.

 

Waxaana ujeedada Socdaalkooda lagu Sheegay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Daminta iyo Xalinta Xiisada colaadeed ee u Dhexeysa Labada beelood ee Dirirtu ku Dhex martey Dhumey oo katirsan Gobolka Sool Xubnaha Masuuliyiintan katirsan Golaha Xukuumada ee Kasoo jeeda Gobolka Sool oo aaney aheyn markii u horeysay ee nooceeda ah oo ay halkaa u gaadhaan Arimo la xidhiidha dhinaca Nabedgelyada oo ay u igmatey Xukuumada ay ka tirsan yihiin.

 

Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Biixi ayaa kusoo beegmaysa Wakhti guud ahaanba Bulshada Somaliland gaar ahaana Shacbiga kasoo jeeda Gobolka Sool si aad ah u hadalhayeen Maalmihii u Dambeeyay Colaada kasoo cusboonaatey laba beelood oo katirsan Beelaha Ardaayada Dhulbahante oo dirir ba.ani dhex martey islamarkaana, ay dad badani ku Geeriyoodeen kuwa kale oo badanina ku Dhaawacmeen taas oo aan Dhinaca Xukuumada laga dareemin dhaqdhaqaaqyadii ay ku Waajaheen Colaadii Ceel-Afweyn ee Beelaha Deegaankaas oo iyadda Ergooyin Culus iyo Wufuud Xukuumada ah loo Direy.

Colaada Deegaanka Dhumey ee katirsan Gobolka Sool ayaa ah mid soo noqnoqotey Islamarkaana, khasaare Laxaad leh oo Dhimasho iyo Dhaawacba leh ay kasoo gaadheen labada dhinac taas, oo aan Wali helin Gurmad Culus oo Xukuumadu ka gashey Colaadan sidii tii Deegaanka Degmada Ceel-Afweyn oo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ku noqnoqdey marar badan Waxaana Dadweynaha Gobolka Sool iyo Gobolada soo Raaca sida Buuhoodle aad looga hadalhayey Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Sool oo isagu Xiisadan afka ka Xidhey.

Image result for baashe maxamed faarax wafdi

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker