Qarax sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Magaaalada Muqdisho

Qof walxaha qarxa isku soo xidhay ayaa isku qarxiyay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku taalla barxada 5-ta geed ee agagaarka saldhiga booliiska degmada Shangaani.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay 6 qof oo ku jiro qofkii ismiidaamiyay, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 5 qof, kuwaas oo hadda lagu daaweynayo cisbitaallada Muqdisho.

Dadka qaraxa ku dhintay oo u badan dhallinyaro waxaa ku jira ilmo yar, sida ay xaqiijiyeen booliska Soomaaliya.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ismiidaaminta ah ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dhowr jeer oo hore ayaa magaaalda Muqdisho qaraxyo lala eegtay maqaaxiyo ay ku caweynayeen dad rayid ah oo dhallinyaro u badan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker