Iran oo warqad u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Dowladda Iran ayaa warqad u dirtay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka, Vanessa Frazier, oo ay uga hadleysay weerarkii xalay ay ku qaadday Israel.

Safiirka Iran ee Qaramada Midoobey, Amir Saeid Iravani oo warqadda ku saxiixnaa ayaa sheegay in weerarka Iran ku qaadday Israel uu yahay mid sharci ah oo is difaacid ah, kana ka dhan ah sida uu yiri gardarrada Israel.

Tehran ayaa horey u sheegtay in ay jawaab adag ka bixin doonto weerarkii ay Israel 1-dii bishan ku qaadday Xarunta Qunsuliyadda ay ku leedahay Magaalada Dimishiq.

Weerarkan oo ay fulisay diyaarad dagaal oo Israel ay leedahay ayaa waxaa ku dhintay 12 qof, oo ay ku jiraan toddobo sarkaal iyo xubno kale oo ka tirsanaa diblomaasiyiinta Iran.

Safiirka Iran ee Qaramada Midoobey ayaa Golaha Ammaanka ku dhalleeceeyay in ay ku fashilmeen inay cambaareeyaan weerarkii dhimashada sababay ee ay Israel ku qaadday Qunsuliyaddooda dalka Suuriya.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxaa ka go’an ujeedooyinka iyo mabaadii’da ku xusan Axdiga Qaramada Midoobey iyo sharciga caalamiga ah, waxayna ku celineysaa mowqifkeeda joogtada ah, ee ah inaysan raadineynin xiisadda ama colaadda gobolka.” Ayuu yiri Safiirka.

Safiirka ayaa ku celiyay in Iran ay ka go’an tahay in ay difaacdo dadkeeda iyo danheedaba.

“Iran waxay weli ka digeysaa in ay dadkeeda iyo danaheeda ka difaaci doonto khatar kasta.” Ayuu Safiirku ku sheegay warqadda loo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo Madaxweynaha Golaha Ammaanka.

Warqadda ayaa lagu xusay in Tehran ay Tel Aviv uga digeyso in mar kale ay khalad sameyso, haddii kalena ay jawaabta Tehran noqon doonto mid aad uga daran, tan hadda ay ka bixisay weerarkii Qunsuliyadda.

“Hadda waxay xiisaddu u dhaxeysaa Iran iyo Maamulka Sahyuuniyadda, waana in Mareykanku uu isaga fogaado.” Ayaa lagu sheegay warqadda.

Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka iyo dowlado kale oo kuwa reer galbeedka ah ayaa cambaareeyay weerarka Iran, iyagoona garab istaag u muujiyay Israel.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka, Adrienne Watson ayaa sheegtay in Madaxweyne Joe Biden uu si toos ah taageeradiisa ugu muujiyay Israel.

Xiisadda Bariga Dhexe ayaa mar kale cirka isku sii shareertay, waxaana laga baqdin qabaa in xiisadda taagan ay uga sii darto xaaladda gobolka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker