Shan Kaluumaysato Ah Oo Lagu La’yahay Xeebaha Puntland

Ugu yaraan 5 qof ayaa shalay ku qariqmay xeebaha badda Puntland, kuwaasi oo hal doon wada saarnaa sida uu  sheegay Gudoomiyaha degmada Gunbax oo ka tirsan gobalka Gardafuu ee Puntland Guure Cali Cumar.

 

Dadaalo badan oo la sameeyay kadib waxaa lagu guuleystay in la soo helo meydka hal qof  oo Badda ay soo caariday, waxaana lagu ogaaday raggan inay Badda qaaday, kadib markii la waayay xilligii ay shaqada ka soo bixi jireen.

 

Weli waxaa la la’yahay Shantii qof iyo doonidii ay wateen, waxaana socda dadaalo badan oo dadkaasi lagu raadinayo, xilliyadan oo kale waxaa jira dabeylo aad u xoogan oo dhanka Badda ah, taasi ayaana sababtay in dadkan la wayo.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker