Ciidamada Ahlu-Sunna oo is-hortaag ku sammeeyey ciidamo ka tirsan AMISOM

Beledweyne (OWN) – Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa maanta is hor-taag ku sameeyey kolonyo ay la socdeen ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti oo doonayey inay gudaha u galaan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna ayaa kolonyadaasi oo ka soo ambabaxay magaalada Beledweyne ku celiyey deegaanka Janta Guundisho ee gobolkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisad xoogan ay haatan ka taagan tahay halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in Ahlu Sunna ciidamo dheeraad ah ay dhigtay gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale ciidamada Jabuuti oo iyana wada dhaq dhaqaaq xoogan ayaa haatan ku sugan deegaanka Janta Guundisho.

Lama oga illaa iyo hadda sababta ay ciidamada Ahlu Sunna is hor istaaga ugu sameeyeen kolonyadaasi ka tirsan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Xaaladda ayaa kacsan, iyadoona laga cabsi qabo inay dagaalamaan ciidamadaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker