Hay,adda Qaramada Midoobay ee UNICEF Oo Caruur Aan Dhiman Qabuuro U Samaysay

Hay’adda Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNICEF ayaa boorsooyinka ay caruurta Iskuulka u qaataan ka sameesay qabuuro matalaad ah si ay ugu muujiso dhibaatada caruurta kasoo gaadhay  goobaha ay colaadahu ka jiraan.

 

UNICEF ayaa 3,758   oo boorsada Ardaydu  Iskuulka ku Tagaan dul dhigtay dhul banaan oo laga matalayay Qubuuro, waxaana qabuurahan lagu matalayaa caruurtii sanadkii hore 2018-ka ku dhintay goobaha ay colaadaha ka jiraan ee Caalamka katirsan.

Barnaamijkan lagu sameeyay qabuuraha matalaada ah ayaa shalay oo talaado ah ka bilaabatay magaalada New Yourk ee dalka Mareykanka waxa ayna soconeysaa ilaa beri oo talaado ah.

Agaasimaha Hay’adda Waxbarashada u qaabilsan Qaramada Midoobay UNICEF Henrietta Fore ayaa sheegtay in boorsooyinka iyo ficilka ay sameeynayaan uu yahay astaan lagu muujinayo rajada Carruurta.

Caruur badan ayaa sanad kasta ku geeriyooda goobaha ay colaadaha ka jiraan, waxa ayna UNICEF hada dooneysaa in hogaamiyaasha caalamka la tuso dhibaatada colaadaha kasoo gaarta caruurta si wax looga qabto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker