Gabadh Lagu Eedeeyey Tuuganimo Kadib Markii Bangigeeda Si Khaldan Ugu Shubay Badan

Gabadh u dhlatay Koonfur Africa oo bangigeeda ay si qalad ah ugu soo dhacday lacag dhan $1m ayaa lagu eedeeyay tuuganimo kadibna xabsiga la dhigay, iyada oo lagu xukumay shan sano.

Sibongile Mani ayaa heshay 14m oo rand oo ah lacagta Koonfur Africa, halkii ay ka sugeysay 1,400 oo rand oo ahaa garaanka ay ardeynimada ku qaadaneysay sanadkii 2017 kii, kaidb waxay bilowday in ay lacagta u isticmaasho si dhaqsi ah.

Lacagta waxaa lahaa Hay’ada Lacagaha Ardeyda Qaranka, iyaduna waxa ay dhiganeysay jaamacadda Walter Sisulu.

Nani ma aanay sheegin qaladka dhacay, laakiin laba saacadood kadib markii ay lacagtu ku soo dhacday bangigeeda ayay biloway in ay si dedeg ah u isticmaasho.

Markii la ogaaday ee akoonkeeda la xanibay waxaa la arkay in ay 73 maalmood gudahood ku isiticmaashay lacag dhan $70,000 oo ay wax ug iibsatay 48 goobod oo kala duwan.

Waxay ku iibsatay timo macmal ah, taleefanno, qamri, kaararka hadiyadaha iyo waxyaabo kale oo qaali ah.

Qareenka gabadhaan aya sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka lagu riday Mani.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker