Dugsiyada Farsamada Gacanta Iyo Barashada Cilmiga Beeraha Ee Burco Oo Qaadanayaa Boqol Arday Oo Waxbarashao Bilaash ah

Wasaaradda waxbarashada ee gobolka Togdheer ayaa sheegtay in dugsiga farsamada gacanta iyo dugsiga barashada cilmiga Beeraha ee Magaalada Burco ay qaadan doonaan boqol arday oo lacag la’aan ah, kuwaas ay wasaaraddu ka bixindoonto waxbarashada.

 

Ugu horeyn waxa faafaahin ka bixiyey deeqdaas waxbarasho isuduwaha waxbarashada ee gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Caynaashe, oo sheegay in 15 ilaa 20 bisha ay kala saari doonaan codsiyada ardayda, isaga oo tilmaamay in fursadaas ay ka faa’iidaysanayaan ardaydii ka soo gudubtay fasaladaa sideedaad ee gobolka, wuxuuna xusay in ay dugsiyadaasi qaranka meel weyn ugu jiraan oo ay ka sareeyaan heer gobol.

 

Dhankoodana maamulayaasha dugsiyada farsamada gacanta iyo barashada cilmiga Beeraha oo halkaas ka hadlay ayaa ardayda danaynaysa fursadaa qaaliga u soo jeediyey in wakhtiga dhawraan oo ay araajidooda hore u soo xareeyaan, waxayna intaas ku dareen in dugsiga farsamada gacantu qaadanayo shan iyo todobaatan arday, halka uu dugsiga barashada cilmiga Beeruhu qaadanayo shan iyo labaatan arday.

 

Gabogabadii waxa isna halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Cabdilaahi Ibraahin (Nafaqo) oo ugu baaqay aradayda gobolka Togdheer in ay ka faa’iidaystaan fursadaas dahabiga ah ee la siiyey oo uu sheegay in ay ka gobol ahaa aad ugu faraxsanyihiin, isla markaana ay soo dhaweynayaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker