Sonkor Tayadeedu Liidayo Oo Laga Diiday Inay Gasho Dalka Kenya Oo Muqdisho Laga Soo Dejiyey

Muqdisho(OWN)- Warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegaysa Sonkor tayadeeda aad u liidato oo la doonayay in laga dajiyo Dakadda magaalada Mombasa in loo diiday Sonkortaasi in la dajiyo, kadibna lagu amray markabkii Sonkorta waday inuu dib ugu celiyo dalka Brazil.

 

Amarka dib u celinta Markabka siday Sokorta ayaa soo baxay kaddib markii xafiiska hubinta tayada Badeecooyinka ee Kenya (Kenya Bureau of Standards (Kebs) uu diiday in Sonkortaasi gasho Kenya sabab la xidhiidhta dhinaca tayada iyo Badqabka tayada oo liitay.

 

Markii uu amarkaasi soo baxay, ayaa waxaa la sheegay ganacsato Somali ah inay ka war heleen ,kadibna ay la xidhiidhaan dadkii Markabka uu u rarnaa oo ay isla garteen in Somaliya laga dajiyo Sonkortaasi.

Sonkorta ayaa la sheegay inay gaadhayso 40.000 oo tan, iyadoo Markabka uu ku soo xidhay Dakadda Muqdisho oo la doonaayo in Sonkortaasi laga dajiyo.

 

Markabka MV Iron Lady, ayaa la sheegayaa Sonkortaan inay ku raran tahay, inkastoo dajinta Sonkorta ay bilaabatay, maadaama ganacsato ay fududeeyeen oo doonaya inay macaash badan ka helaan Sonkortaasi.

Saraakiisha Maamulka Dakadda Magaalada Muqdisho kama aanay hadlin arrintaan, balse Somaliya ayaanan la hayn Hay’ad ilaalisa tayada raashinka laga keeno dalka dibadiisa, taasina waxa ay keentay in ganacsatada dalka iska soo galiyaan waxa ay doonayaan oo tayadooda liito ama hoosayso.

Sonkorta oo laga dejinayo Dekedda Muqdisho

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker