Maxkamada sare Somaliland Oo ka warbixisay dacwado ay kaga soo garnaqeen gobolada Bari ee dalka.

Safar shaqo oo qaatay muddo 7 maalmood ah ayaa saddex garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalku ku tageen gobolada Saaxil, Togdheer, Sool iyo Saraar intii u dhaxaysay 12-kii ilaa 19-kii bishan 9-aad ee sannadka 2020.

 

Safarka ayaa ujeedadiisu ahayd in dacwadaha gobolada bariga halkaa lagu qaado, dadkana loo fududeeyo iyagoo deegaanadooda jooga in ay helaan adeegii garsoor, ee ay Maxkamadda Sare u qabanaysay, taasi oo ka baajisay in ay safar dheer ku yimaadaan magaalada Hargeysa oo ay tahay xarunta Maxkamadda Sare, waxa iyaduna aan safarka ka maqnayn qaabilaada cabashooyinka dadweynaha si bulshada deegaanadaasi looga haqab-tiro muraadka ay u leeyihiin Maxkamadda Sare.

 

Garsoorayaasha safarka u baxay ayaa kala ahaa garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur, garsoore Cabdiqaadir Axmed Maxamuud iyo garsoore Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan oo uu kaalinayo Kaaliye Axmed yaasiin Rashiid Cabdi, waxaanay garsooreyaashu mudadaasi ka soo garnaqeen in ku dhow 25 dacwadood.

 

Safarkan ayaa ka mid ah, dedaalada ay Maxkamadda Sare ee dalku ugu jirto, fidinta adeega garsoor ee ay bulshada u hayaan, iyadoo sannadkiiba dhawr jeer safaradan oo kale loogu baxo gobolada kala duwan ee dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker