TPLF oo oo lagu eedeeyey iney dad shacab ah ku leysay gobolka Cafarta

Weerar culus oo lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taalla gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu dilay tiro dad ah, halkaasoo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda Itoobiya.

Dhakhatar ku sugan goobta la weeraray ayaa sheegay in ugu yaraan 12 qof ay u dhinteen dhaawacyo culus oo kasoo gaaray weerarka lagu qaaday xarunta caafimaad ee Galikoma.

Inkastoo TPLF aanay  ka hadlin eedeymahan loo jeediyay haddana Afhayeen u hadlay maamulka Canfarta ayaa ku eedeeyay in ciidamada Tigray ay ka dambeeyeen weerarka ,

Waxaana lagu soo warramayaa in xaruntan ay ku sugnaayeen dad kasoo barakacay colaadaha ka taagan halkaas.

Dagaallada muddada 9 bilood ah ka socday Tigray ayaa haatan ku baahay gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada oo deris la ah gobolka Tigray.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker