Tirada Dadka ku Dhintay Rabshadaha Itooiya aad kor ugu kacday .

Waxaa sii xoogeysanaya rabshadaha ka taagan degaanada Oromada ee dalka Itoobiya, kuwaasoo looga soo horjeedo dowlada wadankaas.

Taliyaha Booliska degaanka Oromada ayaa Wakaaladda wararka Reuters u sheegay dadka rabshadaha dalka Itoobiya ku dhintay inay tiradoodu gaadhay 67 qof

Kafyalew Tefera ayaa intaas ku daray in goobaha ay rabshadaha ka dhaceen ee ku yaalla degaanka Oromada iyo magaalooyinka Diridhaba iyo Harar ay ku dhinteen 62 qof oo rayid ah iyo 5 askari oo boolis ah.

Wargeyska New York Times wuxuu qoray dadkaasi dhintay 13 ka mid ah iney ciidamada ammaanku dileen halka dadka kale ee rabshadahaasi ku dhintay ay sababeen rabshada dhexmaray mudaharaadayaal iska soo horjeeda.

 

Rabshadahan ayaa bilowday maalmo ka hor markii Jawar Maxamed oo ah hogaamiye ka tirsan Oromada oo leh warbaahin afdheer uu sheegay in dowladda ay ka ceshatay ciidamadii ilaalinayay gurigiisa oo ku yaalla caasimada, balse waxaa arrintasi beeniyay saraakiisha dalkaasi, waxaana hogaamiyahan ay isku jaal ahaayeen RW Abiy Ahmed, balse waxaa la sheegay iney kala boodeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker