Kiiska Trump oo loo badinayo in uu sii socdo muddo sanado ah

Kiiska sharci ee ka dhanka ah Donald Trump uma badna inuu soo afjarmo muddo sanado ah, sida uu BBC-da u sheegay dacwad ooge hore oo federaal ah.

“Waxaa laga yaabaa inaanan joogin ilaa 2025 ama ka dib,” Mariotti ayaa yiri.

“sido kale marka la eego waxa gabagabada noqon kara, waxaan runtii u maleynayaa in Donald Trump, marka kiiskan la soo gabagabeeyo, uu mar markale wajihi doono eedeymo hal ama dhowr kiis oo kale.”

Isagoo tixraacaya baaritaannada kale ee firfircoon ee Trump uu wajahayo Mariotti waxa uu yiri: “Waxaan u maleynayaa in kiisaska kale ay kaliya soo jiidan doonaan dareen ka badan midkan sababtoo ah waxay noqon doonaan kuwo aad ugu adag isaga.

Trump waxa uu wajihi karaa eedaymo danbiyeed ugu yaraan laba kiis oo kale, oo ay ku jiraan lataliyaha gaarka ah ee baaritaanka dadaalka uu ugu jiro in uu meesha ka saaro doorashadii 2020 iyo sida uu u maareeyay macluumaadka sirta ah ka dib markii uu xafiiska ka tagay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker