Ambassador Cabdalla Maxamuud Oo Soo Bandhigay Fursaddaha Somaliland Uga Banaan Dalalka Carabta

Ambassador Cabdalla Maxamuud Qardhab oo ah diblomaasi Arrimaha Carabta ku xeel-dheer ayaa ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo wadamada Carabta ee waqtigan.

 

Ambassador-ka oo qoraal kooban oo uu kaga hadlaayo Arrimo badan oo ku saabsan xidhiidhka taariikhiga ah ee Somaliland iyo dalalka Carabta ee waqtigan ayaa sheegay in ay jiraan fursaddo badan oo Somaliland uga banaan wadamadaasi, gaar ahaana dhinaca maalgashiga iyo ka faa’idaysiga Khayraadka Somaliland caanka ku tahay .

 

Ugu horeyna waxa uu ka hadlay taariikhda soo jireenka ah ee ay Somaliland la wadaagto dalalka Carabta iyo xiligii uu bilaabmay xidhiidhkaasi “Somaliland waxa ay dhinacyadda Badda ama gacanka Cadmeed jaar kala tahay wadamada Carbeed , gaar ahaana Jasiiratu Carab, taas oo ay inaga dhaxayso Isweydaarsi dhaqaale ama Ganacsi iyo dhaqanadda qaarkood, waxa kale oo aynu wadaagnaa wadamada Carabta Diinta oo ah shayga ugu weyn uguna muhiimsan.

 

Ma aha xidhiidhka Somaliland iyo wadamada Carbeed mid hadda uun bilaabmay ee waxa uu bilaabmay qarniyo badan ka hor, iyadda oo waqtigaasi ay dadkeenu dhulka Carabta ganacsi kala duwan la lahaayeen, gaar ahaana iibka Xoolaha, Beeyadda ,Fooxa iyo waxyaalo kale oo badan oo aynu geyn jirnay.

 

Dhankoodana waxa inta badan inooga iman jiray waxyaalo ay kamid ahayeen Raashinka, Dharka , Kabaha iyo sidoo kalena alaabooyinka dhinaca is qurxinta loo isticmaali jiray dhaqankana inoo ahaa.

 

Qarnigii 7-aad oo la sheego in uu ahaa waqtigii Diinta Islaamku halkii ugu saraysay maraysay , adduunkana soo gaadhey, waxa ay Somaliland oo ku taala Geeska Afrika , waqtigaasina la odhan jiray dhulkii Uduga (Land of Punt ama Puntland ) lagu yaqaanay waxyaalaha Uduga ah oo sidaynu kor kusoo xusnay ay Carabtu ka qaadan jirtay dhulkan.

 

Qarnigii 15-naad waxa la sheegaa in culimadii Islaamku ay soo gaadheen dhulka Somaliland , iyada oo ay dhulka Geeska oo aanay waqtigaasi ka hor soo wada gaadhin diinta Islaamku ay ku fidiyeen Islaamka, kuwaas oo Hab Ganacsi kusoo gaadhey dalka .

 

Dalkan oo dhul ahaan gaadhaaya baaxadiisu 176,120 km²  oo laba jibaaran lehna xeeb aad u dheer oo u baahan in laga faa’iidaysto , sidoo kale dhulka ayaa u baahan in laga faa’iidaysto”.

 

Dhanka kalena waxa uu Ambassador Cabdalle ka hadlay sida ay Somaliland uga faa’idaysan karto xidhiidhka ay la lee dahay dalalka Carbeed “Sidoo kale Somaliland waxa ay qayb ka tahay wadamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta inkasta oo aan weli layna aqoonsanayn, haddana xidhiidh qoto dheer ayaa inaga dhexeeya dalalka Carabta.

 

 Marhadii aynu dalalka carabta ka midnahay, Juquraafi ahaana ku dhawnahay dalalka Carabta, waxa waajib inagu ah inaynu xoojino xidhiidhka aynu la leenahay wadamada Carabta”.

 

Ambassadorku waxa uu talo wax ku ool ah usoo jeediyey wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland “Wasaarradeena Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JSL,  waa inay ka yeelata qorsheyaal muuqda, iyaddoo sannaddadii u danbeeyey Siyaasadeena Arrimaha Dibeddu ay ku koobnayd xidhiidhka dawladda Imaaradka Carabta, Xidhiidhkaas oo aynu meel wanaagsan ka gaadhnay .

 

Hasayeeshe, xikmadu waxay ku jirtaa inaynu xidhiidhka dawladdaha carabteed ee kale xoojino. Hadaynu tusaale usoo qadano Boqortooyadda Saudi Arabia, waa dal awood ku leh adduunka, quwadda ay adduunka ku leedahay iyo xidhiidhka aynu la leenahay ismalaha. Xidhiidhkeenu wuxuu ku kooban yahay xoolaha aynu u dhoofino sannadkii, iyadoo ay fiican tahay xidhiidhkaa dhaqaale ee inaga dhexeeya haddana meelo badan oo aan dhaqaalaha oo kaliya ahayn ayaynu iska kaashan karnaa, hadaynu xidhiidhkooda xoojino”.

 

Ambassador Cabdalla waxa uu soo bandhigay dawladdo Carbeed oo mashaariic ka fuliyey Somaliland iyaga oo aan wax bedel ah ku doonayn “Tusaalaha 2’aad: Dawladda Kuwait, waxay ka mid tahay dawladdaha carabeed ee si mug leh inoo caawiya, iyadoo danno gaara inaga lahayn mahadnaq wanaagsana aynaan  usoo jeedin.

 

                               “Runtii abaal wayn bay ina guleeyihiin”

Waxa ay ahayd sannadkii 2015-kii markii ay dawladda Dalka Kuwait ay dhistay madaarka magaaladda Berbera, iyadda oo sidoo kalena dhisme weyn ka fulisay madaarka magaaladda Hargeysa , iyada oo ay arrintaasi ka dhalatay xidhiidh ay dawladdii hore ee madaxweyne Siilaanyo la samaysay dawladda dalkaasi.

 

Maaha madaarka Berbera oo keliyaata waxyaalaha ay dawladda dalka Kuwait ay Somaliland u qabatay ama la qabatay kana fulisay, waxaana jira waxyaalo badan oo ay dawladdaasi ka fulisay Somaliland, iyadda oo waddooyin kala duwan maraysa, ilaa haddana ay ka fuliso oo shaqadeedu ay socoto”.

Halkan waxaan kusoo bandhigayaa waxyaabaha waawayn ee ay inaga caawisay Dawladda, Dadka iyo Haayadaha samafalka ee Kuwait:

Ø Waxay inoo dhistay Terminalka cusub ee Airportka Berbera.

Ø Dib u habayn iyo kordhin ayku samaysay Dhabaha Diyaaradaha ee EGAL INTERNATIONAL AIRPORT.

Ø Dib u habayn iyo kordhin dhismayaasha Egal International Airport.

Ø Ururka Alrahma Alcaalamiya ee Kuwait, wuxuu inoo dhisay oo ay ka hirgalisay magaallo madaxda Hargaysa, xarun wayn oo Aqooneed, Xaruntaas oo ka kooban Dugsiyo inamo iyo Hablo, Dugsi Farsamo Gacmeed, Masaajid Wayn, Goob Caafimaad, Goob Ciyaareed iyo Beer wayn oo wax soo saar leh.

Ø Ururka Direct Aid ee Kuwait, wuxuu inoo dhisay Dugsiyo Waxbarasho oo Badan.  Waxa kale oo uu inoo dhisay Xarunta Agoomuhu waxku bartaan ee Gobolka Gabiley.

 Dalalka kale ee Carabeed ee aynu ka faa’idaysan karno hadii xidhiidhkooda aynu xoojino waxa ka mid ah: Masar  iyo Sudan.

Tusaale ahaan, Waxaynu uga faa’idaysan karnaa xaga Tacliinta, waynu ognahay inay Masar ku lahaan jirtay Magaallo Madaxda Somaliland ee Hargeysa xarun wayn oo Madaxtooyadda agteeda ku taala oo faa’iidoyin wayn lagu qabi jirey, Macalimiin badan oo Masaari ahna ay kasoo qayb qaaten waxbarashadda dalkeena iyo waliba xidhiidh ganacsi oo wakhti dheer soo taxnaa.

 

Somaliland iyo Masar waxay yeelan karaan xidhiidh iskaashi oo ka qotto dheer kii hore, waxa kale oo aynu ka faa’idaysan karnaa deeqaha waxbarasho ee ay Dawladda Masar bixiso sannad walba.

 

Sudan iyanna habkaa aynu Masaaridda uga faa’idaysan karo ayaa haboon inaan uga faa’idaysanno, iyadoo aynu xidhiidh leenahay, macalimiin badaninna ku sugan yihiin dalkeena.

 

Ugu dambayn, waxaan ka rajaynayaa Wasaarrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, inay usoo jeedsato xoojinta xidhiidhka Dalalka Carabeed lana tashato dadka khibradda u leh Arrimaha Carabta.

Ambassador Cabdalla Maxamuud

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker