Sisi oo mar kale ku guuleystay doorashada dalka Masar

Madaxweynaha Masar Cabdel Fattaax Al-Sisi ayaa markiisii saddexaad ku guuleystay doorashada dalkaas, isagoo helay wax ka yar 90% codadkii la dhiibtay, doorasho la qabtay todobaadkii hore, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Waxaa isaga la tartamayey saddex musharrax – balse midkoodna looma arkeynin in uu yahay siyaasi weyn.

Sisi ayaa markii ugu horeysay noqday madaxweyne sanadkii 2014-kii – isagoo ku guuleystay 97% codadkii la dhiibtay. Isla saamigaas ayuu ku guuleystay 2018. Guushan waxay ka dhigan tahay inuu xukunka sii hayn doono illaa 2029, markaas oo dastuurku u diidayo inuu mar kale isa soo sharaxo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker