Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo markale weerar dhinaca afka ah ku qaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Muqdisho (OWN) – Siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa markale weerar dhinaca afka ah ku qaaday madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa shaaciyey in Villa Soomaaliya ay difaaceyso danaha Qatar, iyada oo ka hor marineyso tan Qaranka Soomaaliyeed.

“Waxaa muuqata dawlada Soomaaliya in ay u taagan tahay difaaca danaha Qatar, balse danta Qatar ay ka hormarinayso danta qaranka Soomaaliyeed oo ay leedahay ruuxii Qatar wax ka sheega Soomaaliya ayuu wax ka sheegay.” ayuu yiri Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame Warsame.

Sidoo kale waxa uu jawaab ka bixiyey hadalkii la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Carabta iyo islaamka Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis).

Wuxuu tilmaamay in Sheekha lagu qasbay inuu beeniyo wareysi uu siiyey wargeyska Al-Wadan, kaas oo uu kaga hadlay ra’yigiisa ku aadan warbixintii uu dhawaan daabacay Wargeyska New York Times ee la xariirta ku lug lahaanshaha Qatar qaraxii bishii May ee sanadkan ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

“Wadaadkan wuxuu maalmo ka hor waraysi siiyey wargayska Al- watan ee dalka Sucuudiga ka soo baxa. Wuxuu wargayska uga waramay ra’yigiisa ku aadan warbixintii uu daabcay Wargayska New York Times ee la xadhiidha ku lug lahaanshaha Qatar ee qaraxii Boosaaso.

Wadaadkii waxaa looga yeeray Villa Somalia oo uu mushaari ka yahay waxaa lagu qasbay in uu beeniyo waraysigii uu wargayska Al-watan siiyey. Wadaadku waraysigiisa waxba kama sheegin dawlada Soomaaliya, wuxuu cabiray ra’yigiisa ku aadan warbixinta wargayska NY times iyo guud ahaan aragtida taban ee ay shacabka Soomaaliyeed ka qabaan dawlada Qatar.” ayuu intaasi raaciyey Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Warka ka soo baxay guddoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa ku soo aadaya , iyadoo Sheekh Cali Wajiis oo saxaafadda la hadlay uu beeniyey warbixintii lagu daabacay wargeyska Al-Wadan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in fasiraad khaldan uu ka bixiyey wareysiga uu siiyey, iyadoona la marin habaabiyey nuxurka hadalladkiisa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker