Raiisul wasaaraha Somalia oo Kulan La Qaatay Boqorka Cusub ee Dalka Kuwait

Labada Hoggaamiye ayaa iska xogwareystay mustaqbalka xidhiidhka labada dal iyo muhiimadda ay leedahay in la sii joogteeyo iskaashiga ku saleysan walaaltinimada iyo is-garab istaagga.

 

 

iyada oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu soo bandhigay sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada geerida Amiir Sabaax ay ula qeybsanayaan walaalahooda dalka kuweyt.

 

 

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha waxa uu U Tegay Tacsida iyo inuu  la wadaagay Guddoomiyaha Golaha Ummadda dalka Kuweyt Mudane Marsuuq Alqaanim, Dhiggiisa dalkaas Mudane Sabaax Khaalid Al-Axmed, Ku-xigeenka Taliyaha Ciidammada Ilaalada Qaranka Mishcal Al-Axmed,

 

 

Amiirrada iyo dhammaan xubnaha Qoyska reer Sabaax ee haya talada dalka Kuweyt.

 

 

Intaas kaddib, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu booqday qabriga Marxuum Sheekh Sabaax Al-Axmed oo uu u soo duceeyey, Eebbana uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.

 

 

Ra’iisulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa Kuwait u gay in uu hoggaanka iyo shacabka Kuwait gaadhsiiyo tacsida dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan geeridii Sheikh Sabaax AlAxmed oo ahaa hoggaamiye aragti dheer oo isaga iyo shacabkiisaba uu xidhiidhka wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi kala dhexeeyo shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo garowsan kalgacaylka walaaltinimo ee Amiir Sheekh Sabaax Al-Axmed uu u hayey shacabka, dowladda iyo guud ahaan dalka Soomaaliya iyo doorkii wanaagsanaa ee uu ka qaatay adkeynta xidhiidhka Labada dal,

 

 

Waxa ay xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay in la sii xoojiyo lana sii horumariyo dhaxalka diblumaasiyadeed ee marxuumku uu uga tagay labada dowladood

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker