Kiiniya Oo Ciidamo Soo Dhoobtay Xad Beenaadka NFD

Dowladda Kenya ayaa Ciidamo farabadan soo dhoobtay Xadka ay La wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

 

Ciidamada Militariga Kenya oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa lagu arkay, iyaga oo dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wada xaduudka dhinaca degmada Ceelwaaq,isla markaana dadka ay cabsi dareemeen.

 

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeeysa in Kenya ay ciidamo horleh soo dhoobto xadka dhinaca Gobolka Gedo ay kala wadaagto Soomaaliya,hayeeshee Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan inay taageerayaan Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, kaas oo la sheegay in loo diiday in uu galo magaalooyinka qaar ee Gobolka Gedo.

 

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo maalmahaan ku sugan degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa dhawaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaato ka wado Gobolka Gedo,isla markaana ay adeegsaneyso Ciidamo Itoobiyaan ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker