Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo shan cisho oo Rumaan ah u jartay Saxafiyiintii Xidhnaa.

Maxkamadda Gobolka Maroodi Jeex oo shan cisho oo Rumaan ah (Xabsi ku hayn) u jartay Saxafiyiintii Xidhnaa.
Maxkamadda ayaa ku amartay laanta baadhistu inay shantaasi Maalmood ku soo dhamaystirto, kuna kala saarto eedaysanayaasha.

Wariyayaashan ayaa la filayaa in shantaa maalmood ka dib lagu soo celiyo maxkamada.

Wariyayaashan ayaa la qaqabtay iyaga oo ku sugan afaafka hore ee xabsiga magaalada Hargeysa oo ay ka socotay rabshad ay sameeyeen maxaabiista ku xidhan oo wariyaayaashu ay kasoo warramayeen.

Ururka suxufiyiinta Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ayaa si kulul u cambaareeyay xadhigga weriyayashan.

Sidoo kale waxay u ogolaatay in Dhakhtar la geeyo Maxamed Cabdi Sheekh “Ilig” oo xaalad Caafimaad lasoo daristay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker