Siyaasi  Jamaal Cali Xuseen Oo Muxuu Ka Yidhi Doorashadii Shir-gudoonka Golaha Wakiilada JSL

Siyaasi  Jamaal Cali Xuseen oo Sheeko Ka Qorey Shir Gudoonkii iyo Doorashadii Saaka Dhacday :-

Sheekadda Maanta Iyo Shir Gudoonka: Hanbalyaddii hore ayaan u dhiibee bal sheekadda aan bilaabo.
Beri ayaa nin reer miyi ahi intuu magaaladdii soo galay isagoo halkii laga soo galyey maraya oo aanay dad waddada mareynin cid kale ay arkeen laba nin oo tuug ahi. Waxay qorsheeyeen khidad ay ku kaxaystaan Awrkaasi uu ninku watay.
Ninkii oo Awrkii wata oo xadhigii uu ku hogaaminaayey gacanta ku haysta oo Awrkiina daba socdo ayaa labaddii nin ee tuugta ahaa soo daba galayaan. Isagoo ninkii Awrka watay aan arkeynin ayeey aayar Awrkii xadhiga lagu waday ka saareen oo mid ka mid ah tuugtii ayaa qoorta la soo sudhay, halka uu tuuggii kalena uu xadhig kale Awrkii ku kaxaystay.
Ninkii reer miyiga ahaa wuxuu u haystaa inuu Awrkii wato ileyn waatan uu xadhigii wax culus ku jiidayee isagoo u haysta inuu Awrkii wato. Wuxuu socdaba cabaar kolkuu tuuggii Awrka kaxaystay libdhay ayaa tuuggii kale ee xadhigu qoorta u sudhnaa is yara adkeeynayaa.
Ninkii Awrka watay ayuun dib u eegaya Awrkuu moodayey inuu wato. Mise waa qof, anfariir iyo af kala qaad ayaa ninkii reer miyiga ahaa qabsanaya. Isagoo indhaha ka belef belef siinaya oo afkii kala qaaday yaab dartii ayaa tuuggii xadhiga qoorta u sudhnaa ee uu watay odhanayaa; “Waar iska soco waa Awrkaagiiyoo Ilaahay sidan u galaye” .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker