Madaxweynaha Argentine Alberto Fernandez; oo ku baaqay in la ilaaliyo midnimada ka dib dibad baxyo ka dhacay Dalkaas.

Madaxweynaha Argentine Alberto Fernandez ayaa ku baaqay midnimo xilli maanta mudaaharaadayaashu ay socod ku mareen caasimadda ilaa albaabka madaxtooyada, iyaga oo ku dhaleeceeyay dowladdiisa sicir-bararka sii kordhaya iyo deynta qaranka oo burburinaysa.

Madaxweyne Alberto Fernandez ayaa wajahaya caqabad uga imaaneysa dhanka Mucaaradka kuwaas oo doonaya in la yareeyo heerka saboolnimada sare iyo sicir bararka.

Dalkaan oo dhacay qaaradda Koonfurta Ameerika, oo ah dalka ugu badan ee soo saara galleyda, ayaa la tacaalaya sicir-bararka socda in ka badan 60%, cadaadis weyn oo saaran lacagta peso-ga iyo kharashyada soo dejinta gaaska oo sii qul-qulaya kaydka lacagta shisheeye ee awalba daciifka ahaa.

Protest against Argentina's President Alberto Fernandez's administration, on Independence Day, in Buenos Aires

Khudbad uu ka jeediyay xuska sanadguurada madaxbanaanida Argentina, Fernandez wuxuu ku baaqay “midnimo” wuxuuna ka codsaday kooxaha kala duwan inay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa.

“Taariikhdu waxa ay ina baraysaa in aan ilaalino xilliyada ugu adag,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in dalku u baahan yahay mas’uuliyad dhaqaale oo ay ku yar tahay kaydka lacagaha qalaad iyo sicir-bararka caalamiga ah ee cirka isku sii shareeraya “wuxuu dhaawac weyn u geysanayaa” dhaqaalaha gudaha.

Xukuumadda Fernandez ayaa toddobaad ka hor la kulantay ka dib markii uu si lama filaan ah isku casilay wasiirkii dhaqaalaha Dalkaas Martin Guzman, oo saaxiib dhow la ahaa madaxweynaha oo hormuud ka ahaa wadahadallo lala yeeshay IMF.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker