Mucjiso: Guri Sagaal Jeer Gubtay oo Xujo ku Noqday Bulshada Hargeysa

Guri ku yaala xaafadda Jigjiga yare ee degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa ayuu dab qabsaday tiraba sagaal jeer oo uu gubay alaabta dhex taalla tan iyo laga soo bilaabo Maalintii ciidul fidriga ee Jimcihii .

Goob joogayaal iyo qoyska guriga degan ayaa warbaahinta u sheegay in aanay garan sababta uu gurigu u gubanaayo iyo cidda gubaysa toona balse ay ku war helayaan xilliga barqada ah oo gurigu gubanaaya maalin kasta.

“Salaadii maqriba marka laga baxay ayaanu aragnay katamaankii ay dharku saarnayeen oo gubanaaya laydhkuna wuu bakhtiisnaa waxaa noo yimid shaqaalihii shirkada laydhka way eegeen waxanay sheegeen in aanu dhib ka jirin laydhkooda” ayey tidhi hooyada guriga degan oo warbaahinta la hadashay .

Arrinta samayn gaarka leh ayaa ah in aanu gurigu wada gubanayn balse ay gubanayaa huga iyo gogasha gurigu “ Markii u horaysay dharka odayga unbaa gubanaayey laakiin ilaa doraad dharkii caruurta wixii aanu huwanaynay iyo wixii aanu goglaynayn weeyan waxaa soo raaca shandadaha dharka lagu gurro wakhtigu dabka kacay waa xilliga sagaalka aroornimo oo habeenkii guriga intiisa kale ma gubanayso ” ayey tidhi

Qaar ka mid ah dadka jaarka la ah qoyskan dhiban ayaa warbaahinta u sheegay in ay tahay dhacdo yaab iyo naxdin ku abuurtay waxaanay yidhaahdeen “ dabka aad warbaahin ahaan goob joog u ahaydeen waa dabkii sagaalad mar walba oo dabku reerka qabsadan gurmad baanu nahay oo waanu imanaynaa waana markii labaad oo shalay anagga oo goob joog u ah ayuu dabkaasi qabsaday wax dabka shidaaya iyo wax laydh ah oo qabsanayaa midna ma jiro, dabku shamaca ma qabsanaayo guriga intiisa kale ma qabsanaayo ee alaabta un buu qabsanaaya “

Qoyska guriga leh iyo dadka la jaarka ah ayaa culimadda Somaliland ugu baaqay in ay usoo gurmadaan una soo duceeyaan si ay u helaan sababta uu gurigu u gubaanayo .

 

Oodweynenews Hargeysa office

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker