Hay’adda WHO oo Somaliland ka Caawinaysa Tallaalka Caabuqa Covid-19

Talaalka cabuuqa Covid-19, ayaa dhawaan laga bilaabi doona Somaliland, iyada oo ay iska kaashanayaan hay’adda WHO iyo wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland.

Sidaasna waxaa lagu sheegay kulan dhexmaray wasiirka caafimaadka Somaliland, iyo masuuliyiin ka socda hay’adda WHO.

Kulankaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay, agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, waxaana kulankaasi lagu faaqiday dardar galinta la dagaalanka Coronavirus iyo qorshayaasha ka hortaga iyo xakamayntiisaba.

Geesta kale masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland, ayaa ka codsaday caawinta mihnadlayaasha caafimaadka iyo qalabaynta xarunta gurmadka deg degga ah iyo xarunta shaybaadhka Qaranka

Dhinaca kale hay’adda WHO ayaa wasaaradda horumarinta caafimaadka ku amaantay masuuliyadda ay qaranka u hayso iy deddaalka adag ee joogtada ah ee ay ugu jirto horumarinta adeega caafimaad dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker