Koox Hubeysan Oo Qabsatay Deegaano Ka Mid Ah Dalka Itoobiya

Koox hubeysan ayaa la wareegtay gacan ku haynta degmo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Itoobiya, ayaga oo sida lagu warramay dilay dad shacab ah islamarkaana afduubtay shaqaale dowladeed, waxaa sidaas warbixin ku sheegay Arbacadii Guddiga Xuquuqda Aadanah Itoobiya, ee dowladda ay soo magacowday.

Guddiga ayaa sheegay in warbixino ay heleen ay sheegayaan in Sedal Woreda oo ku taalla galbeedka gobolka Benishangul-Gumuz “ay si buuxda gacanta ugu hayaan koox hubeysan tan iyo 19-kii April.”

Guddiga ma sheegin cidda ay yihiin kooxdan hubeysan. Deegaanka ayaa waxaa ku nool qiyaastii 25,000 oo qof, sida uu sheegay guddiga.

Gobolka Benishangul-Gumuz ayaa bilihii dhowaa waxaad aad uga dhacayey rabshadaha qowmiyadaha, waxaana bishii December ka dhacay weerar lagu dilay 200 oo qof oo shacab ahaa.

Gobolkan ayaa waxaa wada degan dhowr qowmiyadood oo ay ka mid yihiin Gumuz iyo Amxaaro, waxaana hareeyey weeraro is-daba joog ah oo la isugu jawaabayo.

“Dad kasoo qaxay deegaanka ayaa Guddiga Xuquuqda Aadanaha u sheegay in kooxda hubeysan ay gubeen oo ay bililiqeysteen hanti dowladeed iyo mid shacab. Sidoo kale mas’uuliyiintii deegaanka ayaa ka cararay. Waaa jira warbixino sheegaya shacab la dilay iyo shaqaale dowladeed oo la afduubtay,” ayaa lagu yidhi warbixinta guddiga.

Guddiga ayaa intaas ku daray in tiro yar oo ahaa ciidamada deegaanka ay ka awood iyo tiro bateen kooxda hubeysan.

Itoobiya ayaa la xarbiyaysa inay xakameyso rabshado qowmiyadeed iyo kuwa siyaasadeed ka hor doorashooyinka qaran ee dhacaya bisha June.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker