Naadiga Juventus Oo Talo ka waydiiyay Cristiano Ronaldo inay Heshiis Cusub la Saxeexdaan Saaxiibkii Paul Pogba

Maamulka Juventus ayaa lagu soo warramayaa iney Xiddigooda Cristiano Ronaldo kala Tashadeen hadii ay dib ula soo Saxiixanayaan Xiddigoodii hore  ee  Paul Pogba sida ay sheegayaan Warbixino ka imaanaya gudaha Spain.

 

Juventus ayaa la fahamsan yahay iney qiimeyneyso xaaladda Paul Pogba kaas oo aan ku faraxsanayn  Nolosha Garoonka Old Trafford, waxaana loo badinayaa iney xagaaga soo aadan isku dayi doonto saxiixiisa.

 

Xagaagii laga soo gudbay waxaa la hadal hayay warar xan ah oo xiddiga reer France la xiriirinaya Real Madrid, waxaana la aaminsanaa in Zinedine Zidane uu xiddigaan ku jiido karo ku biiritaanka kooxda boqortooyada.

Si kastaba Red Devils waxey xiddigaan duldhigtay adduun dhan 180 Malyan oo Pound, taasna waxey sababtay in Pogba uu iska sii joogo Old Trafford, inkastoo haatan uu dhaawac uga maqan yahay kooxda.

 

Wargeyska Spain laga leeyahay ee El Desmarque ayaa daboolka ka qaaday in Juventus ay Cristiano Ronaldo kala tashadeen saxiixa Paul Pogba, wuxuuna siiyay jawaab fiican maadaama uu taageero u muujiyay go’aanka lagu keenayo xiddigaan.

 

 

Wargeyska sidoo kale wuxuu qiray in Ronaldo aysan wakhti badan ku qaadan inuu jawaab siiyo maamulka kooxdiisa oo arrinta kala tashaday.

Paul Pogba ayaa Juventus ku biiray 2012 isagoo xor ah, afar sano oo guulo ah kadib sanadkii 2016 ayuu dib ugu laabtay Old Trafford isagoo markaas noqday xiddiga ugu qaalisan kubadda cagta.

Hadda waxaa lagu qiimeeyaa Paul Pogba adduun dhan 150 Malyan oo Pound.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker