Wasiir Maraykan ah oo u hoyday Kyiv, xilli ay socdaan duqaymaha Ruushku

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u hoyday caasimadda Kyiv ee dalka Ukraine, isaga oo halkaas ku tegey safar laba maalmood qaadanaya oo aan hore loo sii shaacin.

Safarka xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa noqonaya kii afraad ee uu dalkaas ku tago, tan iyo bishii February ee sannadkii 2022, xilligaas oo uu bilawday duullaanka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.

Waa markii ugu horraysay ee xoghayaha arrimaha debedda iyo weftigiisu ay u hoydaan dalkaas.

Blinken ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ukraine Dmystro Kuleba, ra’iisal wasaare Denys Shmyhal iyo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, isaga oo ka dhegeystay qiimaynta iyo baahiyahooda ku aaddan, dagaallada rogaal celiska ah ee ay iskaga caabbinayan duullaanka Ruushka, iyo weliba xilliga qaboobaha ee soo socda.

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa la wadaagay, war farxad leh oo ah, in Maraykanku uu ugu deeqayo kaalmo gaadhaysa $1 billion. Kaalmadan ayay ku jirtaa illaa $175 Milyan oo doollar oo loogu talo galay dhinaca ammaanka iyo weliba taageero dheeraada oo ku saabsan, qalabka difaaca hawada, rasaasta madaafiicda, hubka burburiya kaarayaasha, iwm.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker