Oodweyne News - Latest Somali News Update

Maxay Tahay Sirtii Uu Maxamed Mursi Doonayay In Uu Fashiliyo Daqiiqadihii U Danbeeyay Noloshiisa?

Madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loo doortay ee dalka Masar, Maxamed Morsi ayaa maanta la aasay, ayada oo ay soo kordhayaan baaqyada ku saabsan in la baaro sababta dhimashadiisa.

Morsi oo xukunka laga afgambiyey 2013 kadib sanad uu hayey, kadibna lagu soo oogay dacwado la xiriira jaajuusnimo, ayaa lagu aasay xabaale ku yaalla xaafadda Madinat Nasri ee bariga magaalada Qaahira, sida uu sheegay mid ka mid ah qareenadiisa.