Ruushka oo duqeeyay Warshada Nuclear-ka ugu Weyn Yurub

Ciidamada Ruushka ayaa Subaxii Jimacaha Saaka duqeeyay Warshada Tamarta Nukliyeerka ee Zaporizhzhia oo ah tan ugu wayn qaarada Yurub, taasi oo ku taal magaalada Enerhodar ee dalka Ukraine.

Afhayeenka warshada Andriy Tuz ayaa u sheegay telefiishanka Ukraine in madaafiicdu ay si toos ah ugu dhacayeen ayna dab qabadsiiyeen mid ka mid ah lixda reactors ee xarunta. Reactor-kaas ayaa dib u dayactir lagu wadaa mana shaqeynayo, laakiin waxaa gudaha ku jira shidaal Nukliyeer ah, ayuu yiri.

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka ayaa barteeda twitter-ka ku soo qortay in aanu jirin “wax isbeddel ah oo laga soo sheegay heerarka shucaaca” warshada oo bixisa ilaa 25% tamarta Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine iyo dhigiisa Mareykanka oo qadka kuwada hadlay ayaa Dowladda Ruushka ugu baaqay in ay joojiyaan duqeyta nuucaan ah oo sababi karto Musiibo Xooggan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker