Madaxa Dabaasha Ee SWEDEN oo Xilkeeda ku wayday Qoraal ay ka qortay Gabadh Xijaab ku ciyaartay.

Sharciga dalka Sweden ayaa aad u mamnuucaya faragalinta diimaha marka ay timaado isdhexgalka bulshada waxana arintaasi keentay in xilkeeda iska casisho Ulla Gustavsson oo aheyd Hogaamiyaha Ururka Sim kadib markii ay qoraal ay soo dhigtay barteeda facebook kaga hadashey kuna weerartay gabadh yar oo wadatay Xijaab taasi oo kasoo dhex muuqatay ciyaarta barafka ee ulasha.

Gabadha ayaa kasoo muuqatay Sawir lasoo galiyay Websiteka dhexe ee ciyaaraha qaranka kadib markii leysku keenay guud ahaan Ururada ciyaaraha Sweden.

Stefan Persson oo ka tirsan Ururka Sim ayaa sheegay in Qof kasta ay ilaalin doonaan Xaquuqdiisa iyo sharaftiisa dhanka kale gudoomiye Björn Eriksson. ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in Qofka kasta uu u furan yahay kubada hadii uu wato Xijaab iyo hadii kale lakin muhiimada ay tahay xiisaha caruurta ee markaasi.

Dhanka kale waxaa jira ururo kale oo kasoo horjeestay hadalkeeda kuwaasi oo aad u dhaleeceeyay.

Xigasho/TT

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker