Maxkamadda Gobolka Togdheer oo Xulun dil ah ku Xukuntay Nin Ku Eedaysnaa Kufsi

Maxkamadda gobolka Togdheer ee Magaalada Burco ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Nin lagu Magacaabo Sakariye Cabdi Yuusuf,

 

Ninkaas oo la sheegay in lagu helay fal isugu jira kufsi & dil.

 

Ninka la xukumay ayaa Loo heystaa fal kufsi iyo dil ah oo Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer Uu ugu geystay 11-kii Bishii Oktoober ee Sanadkan Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi,

 

Oo ahayd Hooyo heysatay Saddex Carruur ah, sidoo kalena dhignayesay Jaamacadda Magaalada Burco.

 

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa sheegay in, kaddib cadeymo iyo marqaatiyaal loo helay kiiska Ugbaad Cali falkaasi lagu xukumay dil toogasho ah Sakariye Cabdi Yuusuf oo lagu helay kiiskaas.

 

 

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa horay u sheegay in aan laga hadhi doonaan qofka lagu helo kiiska Noocaas ah,

 

Isaga oo Amray in cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay.

 

Cabdinaasir Cali Cabdullaahi oo la dhashay Marxuumad Ugbaad Cali Cabdilaahi ayaa horay u sheegay in walashiis six un loo dilay,

 

Kaddib markii dhulka Madaxa Loogu garacay, Ka dib Markii.La Kufsaday sidaasina ay ku dhimatay.

 

 

Degaano badan oo ka tirsan dhulka Soomaalidu Degto  ayay  ka dhacaan falal isugu jiray kufsi iyo dil loo geystay Gabdhao aad u yaryar,

 

waxaana aad u yar dad loo qabtay ama loo maxkamadeeyay kiisaskaas

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker