Qoys ku sumoobay caano ay cabeen Gobolka Sanaag

Ceerigaabo(OWN)- Sida uu BBC u sheegay Dr. C/risaaq C/laahi Aw Yuusuf, qoys ka oo ka kooban 9 xubnood ayaa habeennimadii 30ka Juun cabay wax loo malaynayo inay ahaayeen caano ay ku sumoobeen.

Dadkaas oo ku nool deegaanka Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa sida uu dhakhtarku sheegay waxaa subaxnimadii la geeyey xarun caafimaad oo ku taalla isla deegaanka, halkaasoo daryeel caafimaad loogu fidiyey.

“Dadka qaarkood Kooma ayey ku jireen, qaarna kuma aysan jirin, markii aan baarnayna waxaan ogaannay inay isticmaaleen wax ay ku sumoobeen” ayuu yiri Dr C/risaaq.

Baaritaan intaa dhaafsiisan ayuu sheegay in lagu sii samayn doono, oo sheybaar loo diri doono dheecaanno iyo dhiigagba, wuxuuse intaa ku daray inay haysato dhibaato xagga dawada ah, isagoo sheegay in dawadu ay gabaabsi tahay.

Xaaladda dadkaas ayuu sheegay in hadda ay ka soo fiicnaaneyso sidii ay ahayd markii la keenay xarunta caafimaadka.

Waxaa la rumaysan yahay in xoolaha caanaha laga lisay ay ahaayeen kuwo dawooyin la siiyey.

Xarunta caafimaadka ee Xingalool ee qoyska lagu dabiibayo

@ BBC Somali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker