Puntland Oo Xidhay Saddex Nin Oo Lagu Haysto Lacag Lagu Dhisayey Wadada Boosaaso

Maamulka Puntland ayaa maanta xabsiga u taxaabay saddex ka mid ah guddiga dhismaha wadada Magaalada Boosaaso, ka dib markii ay ka gaabiyeen in Puntland ku soo wareejiyan lacag ay Dowladda Somaliya ugu deeqday wadada laga dhisaayo magaaladaasi.

 

Saddexda nin ee lagu xiray Magaalada Boosaaso ayaa waxay kala yihiin Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax, Gudoomiyaha Amal Bank Boosaaso, Maxamed Faahiye iyo Injineer Maxamuud Maxamed Maalfo.

 

Xubnaha kale ee ka tirsan guddiga dhismaha wadada Magaalada Boosaaso ayaa waxay xaqiijiyeen saddexdaasi nin in loo xiray lacag dhan boqol iyo konton kun oo lacagta Mareykanka ($150,000), oo ay iyagu gacanta ku hayeen.

 

Ilo wareedyo ayaa sheegaya ka hor intii aan raggaasi la xirin in ay dhegaha ka fureysteen awaamiir uga timid Maamulka Puntland, oo ahayd in lacagta ku soo wareejiyan Puntland.

 

Maamulka Puntland iyo kan Gobolka Bari ayaan weli ka hadlin waxa dhabta ahi ee keenay in maanta xorriyadoodu ay waayaan saddexdaasi nin.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker