Warbixin: Mustaqbalka Waddankeyga Sidee Buu Noqonayaa?

Jamaal Cismaan, oo ah wariye Soomaali ah, wuxuu daawanayay waddankiisa oo dagaallada sokeeye ay burburinayeen soddonkii sano ee lasoo dhaafay.

Wuxuu u maleynayay in Kismaayo, oo ah magaalo ka tirsan maamulka Jubbaland ee koonfurta Soomaaliya, ay ahayd meesha ay ka billaabaneysay xasiloonida Soomaaliya, colaaddana ay ka sii dhammaaneysay.

Laakiin weerar argagax leh oo al-Shabaab ay ka fuliyeen hoteelka Madiina ee ku yaalla magaaladaas, bishii July 2019, kaasoo lagu dilay 26 qof, 56 kalena ay ku dhaawacmeen, ayaa soo afjaray rajadii uu ka qabay in gobolkaas uu xasilay oo ay nabad ka dhalatay.

Qeyb ka mid ah safarka Jamaal uu ku tagay Jubbaland, wuxuu kula kulmay rag la sheegay inay ka tirsan yihiin dagaallameyaasha al-Shabaab oo xabsi ku jiray iyo sidoo kale unug ka tirsan ciidamada Jubbaland oo laga abuuray xubno horay u ahaan jiray al-Shabaab, oo hadda taageeraya dowladda.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker