Maraykanka oo ugu baaqay dhinacyada ku Dagaalamaya itoobiya Wadahadal

Maraykanka ayaa doonayaa in dhinacyada iska soo horjeeda ee ku lug leh colaadda Itoobiya ay dhaqan geliyaan wadahadalka xabbad-joojinta iyo in adeegyadii muhiimka ahaa dib loogu soo celiyo gobolka Tigray, sida uu Jimcihii sheegay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.

“Waxaan hadda ku boorineynaa dhinacyada inay ka faa’iideystaan fursadda lagu hormariyo wadahadallada xabbad-joojinta oo ay ku jiraan amniga iyo soo celinta adeegyada muhiimka ah ee gobolka Tigray si deg deg ah,” ayuu Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii sheegtay in ciidamada Tigreega ay wali ku sugan yihiin gobolka ay dariska yihiin ee Canfarta, inkastoo afhayeen u hadlay ciidamada Tigraygu uu maalmo ka hor ku dhawaaqay ka bixitaankooda.

Afhayeenka dowlada Legesse Tulu ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in wararka sheegaya in ciidamada Tigreega ay ka baxeen Canfarta ay tahay waxay uu ugu yeeray ‘been weyn.”

Getachew Reda, oo ah afhayeenka TPLF, ayaan ka jawaabin codsiyo ku saabsan inuu faallo ka bixiyo. Isniintii, ayuu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada Tigraygu ay ka baxayaan Gobolka Cafarta

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker