Maxkamad Lasoo Taagay Nin Soomaali Ah Oo Dilal Loo Haysto Dalka Jarmalka

Maxkamadeynta ninkii Soomaaliga ahaa ee sanad kahor dadka ku dilay Magaalada Würzburg ayaa maanta ka bilaabatay dalka Jarmalka.

Maxkamadda ayaa dooneysa inay caddeyso in ninkan uu yahay qof maskax ahaan Caafimaad qaba oo danbiga ulakac u geystay iyo inkale.

Waxaa ninkan loo heystaa ama lagu soo oogay 14 kiis danbiyeed kuwaasoo kala ah 3 kiis oo dil ah iyo 11 kiis oo isku day dil ah.

Ninkaan ayaa horay waxaa looga helay cudur Paranoide Schizophrenie la dhaho, kaasoo dadka qaba ay halistooda inay dhib geystaan ah aad u sareyso.

Wuxuu horay u sheegay inuu aargoosi waday ka dib markii ay dhibeen xafiisyada socdaalka ee dalka Jarmalka sida uu yidhi.

Maxkamadda ayaa shalay bilaabatay, eedeysanaha labo abukaate oo difaaceysa ayuu heystaa, saxaafadda aad ayay ula socotaa dacwadan, inta aan xukunka lagu ridin waxaa laga yaabaa in dacwadiisa ay muddo dheer qaadato.

Defendant Abdirahman J. from Somalia arrives in a courtroom at the start of his trial after killing three people and injuring eleven others with a knife in June 2021 at Barbarossaplatz in Wuerburg, in Veitshoechheim, Germany, April 22, 2022. Defendant pixalised on court request. REUTERS/Heiko Becker

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker