Maayarka Iyo Maayar Ku Xigeenka Degmadda Ceel-afweyn Ee Gobolka Sanaag Oo WADDANI Iyo UCID Ku Guulaysteen.

Golaha Deegaanka Ee Degmadda Ceel-afweyn Ee Gobolka Sanaag, ayaa Fadhi ay Saaka ku Yeesheen Xaruunta Dawladda Hoose ee Degmadda Ceel-afweyn Ku Doortay Maayarka Iyo Maayar Ku Xigeenka Degmadda Ceel-afweyn.
Golaha Deegaanka Ee Degmadda Ceel-afweyn oo ay Aqlabiyadda Heleen Doorashooyinka Dalka dhacay Labadda Xisbi Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID, ayaa Maayarka Degmadda Ceel-afweyn u Doortay Maxamed Aadan Digaale oo kasoo Baxay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee UCID, Halka ay goluhu u doorteen Maayar Ku Xigeenka Degmadda Ceel-afweyn Maxamed Jaamac Liibaan oo ka soo Baxay Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI.
Doorashadda Maayarka Iyo Maayar Ku Xigeenka Degmadda Ceel-afweyn ee ay Saaka doorteen Golaha Deegaanka Degmaddu, ayaa noqonaysa Degmaddii Saddexaad ee Saaka ay ka dhacday Doorashadda Maayaradda Iyo Ku Xigeennadda. Iyadoo Saaka Siddan oo kale ay Goleyaasha Deegaannadda Degmooyinka Berbera Iyo Gar-adag ay doorteen Maayaradda Iyo Ku Xigeenneedda. Halka Magaaladda Berbera Maayarka loo doortay Cabdishakuur Maxamuud Xasan oo Kasoo Baxay Xisbi Xaakimka KULMIYE, ku Xigeenkana loo doortay Nuur Cabdi Jaamac oo kasoo Baxay Xisbiga WADDANI. Halka Degmadda Gar-adag ay Maayarka Iyo Maayar Ku Xigeenkuba yihiin Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker