Waxaan Rajaynayaa in Kulanka Labada Madaxwayne Wax Fiicani kasoo Bixi doonaan ,, Wasiir Faratoon

Iyada oo uu Booqasho rasmi ah ku joogo Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. .

Ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha Somaliland Dhigiisa Dalkaasi Isla Markaana ay Kawada Hadlaan   Arrimo dhowr ah.

 

 

Hadaba Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiiray Faratoon  ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan Danaha labada Dawladood  ka dhaxeeya , isla markaana ay heshiis wada gaadhi doonaan.

 

 

Wasiirka oo la hadlay BBC-da ayaa wax laga weeydiiyay Arrimaha jaadka oo Dowladda Federaalka Soomaaliya joojisay, waxaana uu sheegay in Somaliland uu si caadi ah jaadku U tago laguna cuno.

 

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in khilaafka ka dhaxeeya Dowladaha Kenya & Soomaaliya Aanu  saameyn ku laheyn somaliland, isla markaana dowladda Kenya ay kala hadli doonaan waxyaabo dan u ah Somaliland.

 

 

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiiray waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in wada-hadalka dhex-mari doona Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi & Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta in wax wanaagsan kasoo bixi doonaan.

 

 

Dowladda Somaliya ayaa xilligan waxaa uu khilaaf diplumaasiyadeed ka dhaxeeyaa dowladda Kenya,

 

Waxaana 20 ka bishan la filayaa in Shir lagaga  hadlayo khilaafka labada dhinac lagu qabto dalka jabuuti, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen Urur Goboleedka IGAD

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker