Miyaa la diley mise Wuu is diley. ????

Somaliland:-Maxaad ka ogtahay Ardayda Hargeysa isku daldelay ee Khaalid Dayib iyo walaalkiisa ka midka ahaan jirey sirdoonak leexsan ee uu hogaamiyi ahmed muusa biixi ee hada iskaga baxsaday ciidanka Sirdoonka leexsan ee Ridwaan Dayib?

Dilalka dahsoon

Dhulkan Buurta Kala-jeexan sidii dalka loogu soo noqday Ilaa 1991-kii waxa deganaa sharciyadda dawladda hoosena u haystay dad u badan danyar oo shacab ah. Laakiin markii madaxweynaha uu noqday Muuse Biixi 2017-kii, qiyaastii sannad iyo badh kadib ayaa loo xukumay reer Biixi Cabdi (qoyska Madaxweyne Muuse Biixi), isla markaana loo fuliyay, waxa uuna ahaa dhulkii u horreeyay ee cid loo fuliyay muddo sannado ah.

Marxuun Khaalid Dayib Xaashi Daauud, waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah oo Injineer ah dhawaana ka qalin jabiyay jaamacadda. Khaalid hooyadii waxa ay ka mid ahayd dadkii dhulka ku lahaa Buurta Kala-Jeexan. Haddaba Khaalid hooyadii dhulka ay ku lahayd Buurta Kala-jeexan waxa ay dad kale ka iibisay ka hor intii aanu Muuse Biixi madaxweynaha noqon.

Haddaba markii dhulkii uu la wareegay qoyska Muuse Biixi ee xoogga dadkii danyarta ahaa lagaga raray, waxa dabcan raacay dhulkii Marxuun Khaalid hooyadii dadka ka iibisay. Dadkiina waxa ay qabsadeen Khaalid hooyadii. Maxkamadda ayaa ay tageen dadkii dhulka laga iibiyay oo dacwad ayaa ay ku fureen. Ka dar oo dibi dhale, maxkamaddii waxa ay xukuntay in Khaalid hooyadii lacagtii bixiso, taas oo aanay awoodin. Waxaana loo soo jaray warqadii qabashada xadhigga Khaalid hooyadii. Waa halkaa barta uu marxuunku ka gubtay.

Marxuunku waxa uu qaatay qori waxa uuna nidar ku maray in uu wax dilo, dhawr cisho markii uu meeraysanaayay ayaa hubkiina laga qaaday, in la xidhana xukuumaddu doontay,
ayaabaa saaka loogu soo toosey khaalid oo mayda oo geed ka soo laalaada
Ilaa hadana ma cada in la diley oo laga soo daldaley geedka iyo in uu isagu is diley ?????

Marxuunka waxa adeer u ahaa Maxamuud Xaashi Daa’uud oo ka mid ahaa laba qof oo maalintii boolisku dadka meesha ka rarayeen xabaddo la dhaceen. Sidoo kale waxa ay ilmaadeer labaad ay yahiin Axmed Daauud oo hadda xukuumadda Muuse Biixi ugu xidhan Saldhigga Dhexe ee Hargeysa, kadib markii uu bartiisa baraha bulshada ee Facebook aragtiisa ku baahiyay.

Hadaba ma jirto somaliland baadhis ka madax banan xukuumada oo cadeyn karta dilalka noocan oo kale ah ee salka ku haya xubanaha awooda xukuuumada adeegsada .

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker