Al-Shabaab Oo Sheegatay Mas’uuliyadda Weerarka Nairobi.+Daalaco Sawirada Goobta.

Nairobi-(OWN)-Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegatay in iyaga ay mas’uul ka yihiin waxa uu ku sheegay hawlgalka Nairobi. Shabaabku ma aysan sheegin faafaahin dheeraad ah balse dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in afar nin oo hubeysan ay galeen dhismaha uu weerarka ka dhacay.

Qaraxyada ka dib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta. Ciidamada ammaanka ayaa gaadhay goobta uu weerarka ka dhacay oo ah dhismo ay ku yaaliin hoteel iyo xafiisyo.

Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo.

Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, waxaa la arkayay dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay.

WEERAR NAIROBI
WEERAR NAIROBI
WEERAR NAIROBI

Wixii Ku Soo Kordha Halkan Ayaad Kala Socon Doontaan. Xafiiska Wararka Ee Oodweyne/News.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker