Lammaane Arooskoodu Ka Dhacay Madaar Ku Yaala Gobolka Ohio Ee Dalka Maraykanka:

Lammaane kasta oo is-calmaada waxay jecel yihiin xaflada arooskoodu ay noqoto mid xasuus gaar ah ku yeelata noloshooda waana sababta keentay in lammaane u dhashay dalka Maraykanka xaflada arooskoodu ay ka dhacdo Madaar ku yaala Gobolka Ohio.

 

Michelle Belo iyo Ron Peterson waa lammaane is-calmaday waxa aanay go’aansadeen in xaflada Arooskoodu ay noqoto xaflad roomantik ah waxa aanay doorteen inay ka dhacdo goobtii ugu horreysay ee kulmisay amase goobtii ugu horreysay ee ay isku arkeen iskuna barteen.

 

Gegida diyaaradaha ee arookoodu ka dhacay ayaa waxay tahay gegida diyaaradaha ee Magaalada Cleveland ee ka tirsan gobolkaasi Ohaio, lammaanahan ayaa waxay is barteen 12 sano ka hor waxa aanay haatan go’aansadeen inay nolosha waddaagaan.

Arooska Michelle Belo iyo Ron Peterson

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker