Diyaar Garaw lagu soo dhaweynayo ra”iisal Wasaare Khayre oo Garoowe ka socota.

Garoowe:-(OWN)-Xasan Cali kheyre Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in uu booqasho ku tago Magalada Garoowe ee Xarunta dowlad goboleedka Puntland.

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdiga raysasal Wasaare Khayre ayaa ka socota magaaladaasi,iyadoo madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada ay isku diyaarinayaan sidii ay soo dhaweyn diiran ay ugu sameyn lahaayeen wafdigaasi.

Ra’iisal Wasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya ayaa inta uu joogo Puntland waxaa uu booqan doonaa Magaalooyin ka mid ah puntland,isaga oo ka hirgelin doono mashaariic horumarineyd.

Sidoo kale waxaa uu ka qeybgalidoonaa sanadguuradii 20-aad ee aas aaskii Puntland,taasi oo ku began 1-da bisha soo socta ee August 2018,isagoona intaasi kadib la kulmi doona madaxda Puntland iyo qeybaha bulshada.

Qeybo kamid ah magaalada Garoowe,boodhadhka waxaa ku xardhan sawirada raiisaal wasaare Xasan Cali Khayre oo lagu qoray hal ku dhigyo ay kamid yihiin soo dhawow mudane raiiusl wasaare,iyadoo shacabka Puntland ay dareen xoogan oo dhanka soo dhaweynta ah ay muujinayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker