Daawo: Somaliland oo Somalia Udirtay 600$ oo ah Lacah Loogu Gargaarayo Dadkii ay Fatahaaduhu Waxyeeleeyeen

 

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo Gaadhay Guddi ay Somaliland u xil saartay taakuleynta dadkii ay waxyeeladu kasoo gaadhay fatahaadyadii dhawaan ku dhuftay qeybo kamid ah Soomaaliya gaar ahaan magaalada Baladeweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxanu kusoo dhaweeyay xubnahan lacagta sida oo ah Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan dowlada federaalka Soomaaliya una badnaa kuwa kasoo jeeday Somaliland.

 

Guddigan maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wadaan lacag ka badan $600,000 ,oo ay iska soo Ururiyeen shacabka Somaliland kuwaa oo ay ugu talageen in lagu caawiyo dadkii ay saameeyeen fataahaadii Baladweyne.

 

 

 

Waxaa la filayaa guddigan ka socda Somaliland ee waday lacagta kaalmadaha in ay ku wareejiyaan guddiga ay dowlada federaalka Soomaaliya u saartay kaalmada iyo wax u qabashadada dadkii ay fatahaadyada saameeyeen.

 

Somaliland ayaa sidan oo kale horey Koonfurta Soomaaliya usoo gaadhsiisay lacago badan oo kaalmo ah oo ay iska soo Ururiyeen dadka kunool Somaliland ,

lacagahaas ayaana lagu caawiyay dad ay abaaro iyo fatahaadyo saameeyeen.

 

 

Warkaas oo Muuqaal ah Halkan Hoose ka Daawo:

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker