Maxkamad ku taal Kenya oo xukun ku ridday xubno ka tirsan Al-Shabaab

Maxkamad ku taalla dalka Kenya, ayaa laashay racfaan ay ka qaateen labo nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015-kii, kaasoo ay ku dhinteen 148-qof.

Garsoore Cecilia Githua, ayaa sheegtay in Hassan Edin Hassan iyo Mohammed Abdi Abiikar, in xukunkoodii ahaa 41-sano oo xarig ah uu sidiisa ahaan doono, maadaama racfaankooda uusan muujinin in maxkamada darajada koowaad, ay ku qaldantay inay bixiso xukunada dhaadheer.

Labada nin ee Keenyaanka a,h ayaa la xukumay sanadkii 2019-kii, halka Rashid Mberesero, oo u dhashay Tanzania, lagu xukumay xabsi daa’in, ka hor inta uusan isdilin 2020-ka.

Dhammaantood ayaa waxaa lagu helay dambi ah inay maleegayeen weerar argagixiso, iyo inay ka tirsan yihiin kooxda xiriirka la leh Al Qaacida.

Balse waxay racfaan ka qaateen xukunka maxkamada darajada koowaad.

Laakiin garsooraha Githua, ayaa sheegay in uu taageeray xukunnada, isaga oo sheegay in ay dhab ahaantii aad u debecsan yihiin, marka loo eego “falalka foosha xun, ee la sii qorsheeyay ee dhibaatada badan u geystay qoysaska dhibanayaasha”

Labaduba waxay rafcaan ka qaadan karaan xukunka Maxkamadda Racfaanka laba toddobaad gudahood.

Weerarkii Jaamacadda oo ay ku dhinteen arday badan, ayaa ahaa weerarkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxdu ka geysato dalka Kenya.

Weerarkii Al-Qaacida ee safaaradda Mareykanka ee 1998-dii, ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker