Dadka Reer Madagascar Oo Maanta U Dareeraya Goobaha Codbixinta.

Ku dhawaad 10 milyan oo qof oo u dhalatay dalka Madagascar ayaa lagu wadaa inay maanta codkooda ka dhiibtaan doorashada hogaamiyaha cusub ee dalkaasi loogu soo xulayo.

Waa warreega labaad ee codbixinta ayaa la qabtay 7-da bishii Nofeembar ee sanadkan.

Musharaxa ku guulaysta doorashadanna waxa uu noqonayaa qof horay dalka u soo maamulay maadaama labada musharax ee is-haya ay labaduba yihiin madaxweynayaal hore.

Waa booggii ugu dambeeyay ee loolan bilaabmay 10 sano ka hor.

Ololihii doorashada ayaa ahaa mid u dhaxeeyay labo musharax oo kala ah Marc Ravalomanana iyo Andry Rajoelina.

Labadan nin ayaa ah kuwa wadaaga taariikh isku mid ah.

Marc Ravalomanana ayaa madaxwaynaha Madagascar loo doortay 2002, balse waxaa xukunka laga qaaday ka dib markii ay dalkaasi ka dhaceen dibadbaxyo is xig-xigay oo uu horkacayay Andry Rajoelina 2009.

Andry Rajoelina oo markaasi ahaa duqa caasimadda Antananarivo ayaa noqday madaxwayne muddadii 4 sano ee kala guurka ahayd.

Labadan musharax ayaa laga mamnuucay in ay ka qaybgalaan tartankii doorashadii 2013 sababtoo ah beesha caalamka ayaa ka walaacsanayd in ay arrintaasi hurin karto dhibaato siyaasadeed.

Imika Marc Ravalomanana iyo Andry Rajoelina ayaa fooda is dari doona.

Wareegii hore ee doorashada ee la qabtay 7 bishii November, Andry Rajoelina ayaa kaalinta koowaad soo galay isaga oo helay 39% halka Marc Ravalomanana uu kaalinta labaad soo galay isaga oo helay 35% codadkii la dhiibtay

Caqabada ugu way ee imika haaysata ayaa ah sidii ay u qancin lahaayeen codbixiyayaasha aan wali go’aansan ciddii ay codkooda siin lahaayeen.

Codbixiyayaasha wareegii hore ee doorashada aan codkooda dhiiban ayaa waxa ay tiradoda ahayd 45%.

Qaar ka mid ah codbixiyayaasha ayaa u arka in labada musharax kii ay u codeeyaan ba uusan wax farqi ah u dhaxeyn oo aysan filayn wax isbadal ah.

Qaar ka mid ah dadka lafagura siyaasadda dalka Madagascar ayaa walaac ka muujiyay tartanka u dhaxeeya labadan nin.

Labada musharax ba waxa ay maalgalin xooggan ku sameeyeen ololahoodii doorashada.

Haddii musharaxa ku guuldaraysta doorashada uu aqbali waayo natiijada ayaa waxay taasi dalkaasi madaxmadax ugu tuuri kartaa in qalalaaso siyaasadeed oo mar kale ka dhaca.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker