Markab Saliid Badan ay ku jirto oo laga Baqayo inuu Qarxo ama Dego.

FCO Safer, oo ah Markab wayn oo kuwa saliidda qaada ah oo muddo badan ku xidhan xeebta xudayda ee dalka Yemen kaas oo sida in ka badan hal milyan oo foosto oo saliid ah ayaa “ay u badan tahay inuu qarxo ama dego daqiiqad kasta”, taasi oo sababi karta masiibo deegaan iyo mid bini’aadantinimo, oo daran. sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo la hadlay Sky News.
Markabka FCO Safer, ayaa ah nooca saliida lagu kadiyo ee xeebaha taagnaan kara mudo badan, xeebaha Yemen lagaga tagay sanadkii 2015 markii Yemen uu ka qarxay dagaal sokeeye, ilaa xilligaasna ma helin wax dayactir ah.
Markabka oo ilaa xilligaasi xeebta Taagnaa ayaa hadda bilaabay inuu kala daato.
Sida ay qaramada midoobay ka digayso hadii markabkaasi uu dego ama qarxo iyadoo aan saliidda laga shubin, waxaa ka dhalan doonta Masiibo deegaan iyo mid baniaadanimo oo saamayn doonta noolaha badda iyo magaalooyinka xeebaha ee Gacanka Cadmeed ku teedsan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker