Blinken oo booqasho ku maraya Bariga Dhexe

Xoghaya arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Axadda maanta ah gaaray waddanka Masar, oo ay uga billaabanayso booqashadiisa Bariga Dhexe ee uu ku doonayo in uu ku qaboojiyo xiisadda ka dhex aloosan Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta kadib markii ay rabshado dib u billowdeen.

Blinken, oo Isniinta iyo Talaadada u safri doona Quddus iyo Ramallah kadib booqashadiisa Qaahira ayaa muddo waxa uu qorsheynayay booqashada uu ku doonayo in uu kula kulmo dowladda Israel ee dhinaca midigta fog u janjeerta, laakin safarka ayaa xaalad degdeg ah ku yimid kadib markii ay dheceen mid ka mid rabshadihii ugu xumaa muddo sanada ah.

Nin hubeysan oo Falastiini ah ayaa Jimcihii toddobo qof ku dilay bannaanka macbad ku yaalla xaafad la deegaameeyey oo dhacda bariga Quddus, iyadoo weerar kalana uu dhacay Sabtidii.

Khamiistiina, sagaal qof ayaa lagu dilay weerar ay ciidammada Israa’iil ku qaadeen xerada qaxootiga Jenin ee Daanta Galbeed, taasi oo ka mid ah hawlgalladii ugu khasaaraha badnaa ee noocan oo kale ah muddo sannado ah.

Israa’iil ayaa sheegtay in ay beegsatay dagaalyahannada kooxda Islamic Jihaad, iyadoo markaa ka dibna duqeysay marinka Gaza ee ay Xamaas maamusho, taasi oo jawaab u ahayd gantaallo laga soo tuuray.

Blinken ayaa la kulmi doona Ra’iisulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabbaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker