Ninka TikTok Ugu Caansan Hadana Aan Hadal Eray Dhihin

Bishii March ee sanaddkii 2020, maalmihii ugu horreeyay ee xanuunka Coronovirus, Khabane Lame, waxa uu waayay shaqo uu ka heystay warshad ku taalla meel u dhow magaalada waqooyiga Talyaaniga ee Turin.

Wuxuu iska joogay guriga waalidiintiisa ee Chivasso, halkaas oo ay kula noolaayeen saddex walaalo ah, shaqo kale ayuuna rajeynayay.

Xilligaasi ayaa sidoo kale ahayd markii ugu horreysay ee uu isticmaalay aaladda Tiktok, sida uu ku warramay wargeyska Newyork Times.

Lame wuxuu ka soo jeedaa dalka Senegal, wuxuu leeyahay gacmo dhaadheer iyo waji dhuuban.

Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu soo dajistay app-ka TikTok, waxa uuna billaabay inuu muuqaallo isaga soo duubo qolkiisa jiifka. Muuqaallada uu soo dhigayay wuxuu ka soo galinayay cinwaan uu u sameeyay magaciisa Khaby Lame.

Wixii markaasi ka billowdo, wuxuu noqday xidig caan ka ah Tiktok.

Muuqaalladiisa la yaabka leh ayaa dadka soo jiitay. Markii hore, sida dad badanba ay ku sameeyaan TikTok, wuxuu soo galin jiray muuqaalo uu iska soo duubay isagoo qoob ka ciyaaraya, ciyaaro daawanaya ama sameynaya waxyaabo shactiro ah.

Lame, oo 21 jir ahna, wuxuu muuqaalladiisa oo dhan caalamka gaarsiiyaa isagoo aamusan. TikTok dhexdiisa, aamusnaantiisa waa mid ka dhan hadal.

“Fikrad ayaan la imid sababtoo ah waxaan arki jiray muuqaallo wareegaya, waxaana jecleystay in aan ku soo daro aragti wax fududeyn ah,” ayuu ku yidhi wareysi uu siiyay telefishinka CNN.

Sanadkan ayuu isbadel la yimid ka dib markii uu billaabay inuu majaajilo ka dhigo xeelado la xiriira nolosha, uuna muuqaallo ka soo diyaariyo isagoo ka fal celinaya ficillo ay dad kale sameeyeen. Hal erayna ma soo raaciyo muuqaalladiisa falcelinta ah.

Waxaan cinwaankiisa Barta Tiktok ku taxan 114 milyan oo qof. Waxaa lagu tilmaamaa hadda inuu yahay ninka ugu taageerada badan uguna caansan TikTok, Halka qof ee ka taageerada badan marka laga hadlayo TikTok waa Charli D’Amelio, oo ah gabar dhowr iyo toban sano jir ah oo ka soo jeedda California, taas oo soo bandhigta muuqaallo ciyaar ah, inta badanna ay la soo sameyso walaasheed ka weyn.

Muuqaaladiisa waa hal nooc
Inta badan muuqaalladiisa gaagaaban, waxa uu gacmaha ku tilmaamaa muuqaallo ay dad kale soo sameeyeen iyagoo fulinaya xeelado dhanka nolosha ah oo adag.

Wuxuu ugu jawaabaa muuqaallo si sahlan oo macquul gal ah loogu xallinayo isla arrimihii la adkeynayay.

Mid ka mid ah muuqaalladiisa, Lame wuxuu gacantiisa ku fiiqayaa moos isagoo tilmaamaya qof moos mindi ku fiiqayay ka dibna ku jarjarayay.

Mid kale, wuxuu ka fal celinayaa muuqaal ay haweeney iska soo duubtay iyadoo si dhib badan u fiiqeysa qajaar ay ilkaheeda u adeegsaneyso. Isagoo hoga tusaaleynaya ayuu ajaar ku fiiqayaa aalad yar oo loogu talogalay in khudaarta lagu fiiqo.

“Waxaa laga yaabaa in sida aan wajiga ka dhigayo ay tahay qaab shactiro ah, howsha aan fududeynayana ay ka qoslineyso dadka, taas ayaana jeclahay,” ayuu yidhi.

Mararka qaar indhaha oo kaliya ayuu dhaqaajiyaa, madaxana wuu ruxaa isagoo aan gacmaha ku dareynin. Dad badan ayaa isaga qudhiisa muuqaalladiisa dib u adeegsada ama qaabkiisa tilmaanta la min guuriya.

Fal celintiisa marka laga soo tago labada gacmood ee uu ku taago waxa uu tilmaamayo, wuxuu sidoo kale ruxaa madaxa kaddib marka uu sheego qaabka sahlan ee laga rabay in howsha loo fuliyo. Gacmahana wuxuu soo fidiyaa isagoo ay calaacalihiisa kor u jeedaan.

Wuxuu diraa farriin
Dad badan oo taageerayaasha Lame ah ayaa si joogto ah ugu soo dira muuqaallo ku saabsan dad adkeynaya waxyaabo loo baahnaa inay sahal ahaadaan.

“Waxay og yihiin inaan ahay qofka xalliya dhibaatooyinkaas, sidaas darteed waxay igu soo lifaaqaan arrimahaas, waxayna u muuqataa sida iyagoo i dhahaya, ‘Khaby waa markaaga, xal u hel cilladdan sababtoo ah waan kuu baahan nahay,'” ayuu yidhi.

Si ka duwan xiddigaha kale ee baraha bulshada, muuqaalada Lame ma aha kuwo dhaadheer oo daqiiqado badan socda. Qalab badan ma isticmaalo, meelo gaar ahna uma raadiyo si uu ugu qurxiyo. Waxay u muuqdaan muuqaallo si aad u fudud loo duubay.

Sheekadiisa waxay dhiirrigelin u noqon kartaa dadka ay saameysay xayiraadda uu sababay cudurka safmarka ah, maadaama isagu uu soo caan baxay intii guryaha la isku celinayay.

Lame waa mid ka mid ah dadka sida ugu dhakhsiyaha badan u koriyay xogta ay soo galiyaan TikTok, dadka ugu badanna ay ku soo xirmaan maalin walba. Halkii maalin waxaa dadka ku taxan kusoo biira ku dhawaad 200,000 oo qof oo cusub.

Wuxuu qarka u saaran yahay in uu mar dhow noqdo qofka ugu saaxiibbada badan TikTok oo malaayiin qof ay ku xiran yihiin.

Sida dadka taageera oo kale, Lame wuxuu taariikh ku leeyahay waddamo kala duwan.

Laakiin taasi ma ahan sababta uu Lame ugu soo biiray ama uu muuqaallada u duubo.

“Dan kama lihi inaan noqdo qofka koowaad ama qofka labaad ama qofka afaraad ee ugu caansan TikTok. Waxaan muuqaallada u soo duubi jiray si aan dadka uga qosliyo inta lagu guda jiro xayiraadda fayraska ee kalliftay in aan guriga laga soo bixin,” ayuu yidhi.

“Isla sababtaas awgeed ayaan usii wadi doonaa muuqaallada, waan ku faraxsanahay guulaha aan gaaray, balse arrimahaas ma aha kuwa ugu muhiimsan ee aan rabo.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker