Koomishanka Xuquuqal Insaanka oo Warbixin Ka Soo Saaray Gabdho Loo Xidhay.

Koomishanka xuquuqal insaanka Qaranka Somaliland, ayaa warbixin ka soo saaray 8 hablood oo ku xidhan magaalada Berbera.

Hablahan oo laga soo xidhay magaalada Laascaanood, ayaa lagu eedeeyay in ay calanka Soomaaliya ku labisteen.

Koomiishanka xuquuqal insaanka Somaliland, ayaa ku baaqay in si dhakhso ah loo soo gaba gabagabeeyo dacwada hablahani.

Waxaa kale oo uu Koomishanku sheegay in qaarka mida hablahaasi ay u bilaabatay waxbarashadii sannad dugsiyeedka 21 ilaa 22, halka kuwa kale ay u socotay waxbarashadii heerkooda jaamacadeed.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker