Ciidamada Ukraine oo marki ay diideen inay Ruushka isu dhiibaan la dilay

Inta uu billaawday dagaalka Ukraine oo maalinti labaad galay waxaa si weyn looga hadal hayaa askar ka tirsan ciidamada Ukraine ee ku sugneyd jasiiradda Snake.

13 askari oo ku sugnaa jasiiraddaasi yar ee ku Taalla Badda Madow waxay diideen iney iisu dhiibaan markab dagaal oo uu leeyahay jasiiraddaasi.

Kaddib ciidamadi 13-ka aha ee jasiiradda ku sugna marki ay diideen iney isdhiibaan waxaa lagu dhuftay gantaal sidaa ayeyna ku dhinteen.

Waxaana barta Twitter-ka lagu baahiyey cod dhanka markabka ka imanaya oo askartaasi ugu baaqaya iney isdhiibaan ka hor inta aan la dilin.

“Waxaan idinkula talinayaa inaad isdhiibtaan hubkana aan dhigtaan, haddii kale rasaas ayaan idinku furayaa, ma i maqashaan?” ayuu leeyahay codka sargaalka ee markabka ka imanaya.

Madaxweynaha Ukrain Zelensky wuxuu askartaasi uu ku tilmaamay geesiyaal, isaga oo sheegay in dhammaantood abaalmarinta geesiyaal dagaal la guddoonsiinayo.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker